Thursday, October 30, 2025
Google search engine
HomeUncategorizedXamsa: “Turkigu waa saaxiib dhab ah oo garab istaagay Soomaaliya

Xamsa: “Turkigu waa saaxiib dhab ah oo garab istaagay Soomaaliya

Munaasabadda lagu xusayay sanadguurada 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Munaasabadda lagu xusayay sanadguurada 102-aad ee aas-aaska Jamhuuriyadda Turkiga oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa uu ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan saaxiibtinimo iyo iskaashi soo jireen ah, laguna asteeyay lixdan sano oo wada-shaqeyn ah.

Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in maalintani ay tahay maalin farxad wadaag ah oo labada dal ay si mideysan u xusayaan halgankii uu hormuudka u ahaa Mustafa Kemal Atatürk, kaas oo dhidibbada u taagay Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xiriirka labada dal uu saldhig u yahay iskaashi dhinacyo badan leh oo ku saabsan ganacsiga, waxbarashada, dhaqanka iyo amniga, taas oo sii xoojinaysa midnimada shacabka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, difaaca iyo horumarinta adeegyada bulshada, isagoo ballan qaaday in la sii xoojin doono iskaashiga labada dal.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyada hormarka iyo tababarka ciidamada iyadoo sidoo kale u qalabaysa ciidanada ay tababarka siiyaan, waxaana uu Turkiga badda Soomaaliya ka wadaa shidaal baaris kaas noqo aya mashruucii ugu balaarnaa oo Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments