Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika AFCFTA kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Heshiiskan…
Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika AFCFTA kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Heshiiskan ayaa horay u soo ansixiyay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, waxaana uu muhiim u yahay horumarinta ganacsiga dalka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in 145 xildhibaan ay oggolaadeen, hal xildhibaan uu diiday, mid kalena uu ka aamusay. Wuxuu intaas ku daray in heshiisku si rasmi ah u ansaxay.
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka meelmarinta heshiiskan, isagoo tilmaamay in uu Soomaaliya u horseedayo fursado ganacsi iyo maalgashi oo ballaaran.
Heshiiska AFCFTA oo ay wada gaareen 55 dal oo Afrika ah ayaa dhigaya in la fududeeyo isdhaafsiga badeecadaha iyo adeegyada iyadoo la meesha ka saarayo caqabadaha ganacsiga si badeecadaha ay si xor ah ugu dhex safraan xuduudaha dalalka qaaradda.
Soomaaliya ayaa ka faa’iideysan doonta heshiiskan iyadoo awood u yeelan doonta in badeecadaha gudaha laga soo saaro si fudud loogu iibiyo suuqyada Afrika, lana xoojiyo maalgashiga ganacsiga badda iyo kobcinta warshadaha gudaha dalka.



