Madaxweynaha Madagaskar Andry Rajoelina ayaa Talaadadii sheegay in uu kala diray golihii qaranka, taas oo sii…
Madaxweynaha Madagaskar Andry Rajoelina ayaa Talaadadii sheegay in uu kala diray golihii qaranka, taas oo sii kordhisay ismariwaaga u dhaxeeya dhalinyarada mudaaharaadaya iyo militariga taas oo ku qasabtay in uu dalka ka baxsado.
Wareegto lasoo dhigay barta Facebook ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu la tashi la sameeyay madaxda golaha shacabka iyo golaha guurtida, balse lama oga in tallaabadaasi ay qiimo sharci ah leedahay.
Khudbad uu shacabka u jeediyay oo laga sii daayay Facebook galinkii dambe ee Isniintii, ayuu Madaxweyne Rajoelina ku sheegay inuu u guuray meel nabdoon si uu naftiisa u ilaaliyo. Ma uusan shaacinin halka uu ku sugan yahay balse waxa uu u muuqday mid diidan inuu xilka wareejiyo, isaga oo sheegay in uusan ogolaan doonin in la burburiyo Qaranka Madagaskar.
Siteny Randrianasoloniaiko, oo ah hogaamiyaha mucaaradka ee baarlamaanka, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Rajoelina uu ka tagay Madagaskar Axadii ka dib markii cutubyo ka tirsan ciidamada ay goosteen kuna biireen dibadbaxayaasha.
Ilo militari ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in Rajoelina uu ka dhoofay Madagaskar, isagoo raacay diyaarad militari oo Faransiis ah Axadii. Raadiyaha Faransiiska ee RFI ayaa sheegay inuu heshiis la galay madaxweyne Emmanuel Macron.
Madaxweynaha France Macron, oo Masar ku sugan oo ka hadlayay shir madaxeedkii xabad joojinta Gaza iyo heshiiska la haystayaasha, ayaa sheegay in uusan si degdeg ah u xaqiijin karin wararka sheegaya in Faransiisku uu ka caawiyay Rajoelina inuu ka baxsado dalkaas. Waxa uu intaasi ku daray inay waajib tahay in la ilaaliyo nidaamka dastuuriga ah ee Madagaskar, iyadoo Faransiisku uu fahamsan yahay cabashada dhalinyarada dalkaasi, haddana cabashadaasi waa inaysan ka faa’iidaysan kooxo millatari, ayuu yiri.
Mudaaharaadyo ayaa dalka ka bilowday 25-kii Sebtembar kuwaas oo looga cabanayo biyo iyo koronto la’aan balse waxay markiiba isu beddeleen kacdoon ka dhashay cabashooyin ballaaran oo ay kamid yihiin musuqmaasuqa, maamul-xumada iyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxweyne Rajoelina wuxuu u muuqday mid go’doonsan kadib markii uu waayay taageerada CAPSAT, oo ah unug caan ah oo ka tirsan militariga dalkaasi oo ka caawiyay inuu xukunka ku qabsado afgambigii 2009-kii.
We wandered the site with other tourists
Yet strangely the place did not seem crowded. I’m not sure if it was the sheer



