Thursday, October 30, 2025
Google search engine
HomeWorld NewsNew LookDowladda Soomaaliya oo shaacisay saameynta dhaqaale ee xiritaanka USAID

Dowladda Soomaaliya oo shaacisay saameynta dhaqaale ee xiritaanka USAID

Nov 22(Somalia)-Joojinta taageerdii Hay’adda USAID horraantii sanadkan ayaa si weyn u saameyaay dhaqaalaha Soomaaliya iyo dakhliga canshuuraha dowladda, sida ay sheegtay madaxa Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Somaliya si darran ayuu u saameeyey arrintaas, waxayna hoos u dhigtay wax-soosaarka guud ee qaranka (GDP),” ayay tiri Hodan Osman, oo ah madaxa Somali Development and Reconstruction Bank, intii lagu guda jiray shirkii Financial Times Africa Summit ee ka dhacay magaalada London Talaadadii.

Waxay sheegtay in jarista gargaarka ay ka dhex dhalisay dhaqaalaha saameyn aan la filayn, taas oo dhaawacday ganacsigii iyo dhaqdhaqaaqii dhaqaale, isla markaana hoos u dhigtay dakhliga canshuuraha iibka ee dowladda.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa jaray miisaaniyaddii gargaarka dibadda, isla markaana xiray hay’adda USAID horraantii sanadkan. Hay’addu waxay taageero dhaqaale ku bixin jirtay ehinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo mashaariicda horumarinta adduunka oo dhan.

Laakiin Hodan Osman waxay sheegtay in saameyntu aysan ku koobnayn kaliya gargaarka, balse ay guud ahaan dhaqaalaha dalka dhaawacday.

# La soco Ameer TV – Boqorka Wararka 👑

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments