Thursday, October 30, 2025
Google search engine
HomeUncategorizedMadaxweyne Geelle oo muujinayey inuu markii 6aad xilka isu sharixi karo.

Madaxweyne Geelle oo muujinayey inuu markii 6aad xilka isu sharixi karo.

Madaxweyne Geelle oo muujinayey inuu markii 6aad xilka isu sharixi karo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 77 sano jir ah ayaa markii 6aad oo xiriir…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 77 sano jir ah ayaa markii 6aad oo xiriir ah isu soo taagey xilka Madaxtinimada dalkaasi oo uu horay ugu soo guulaystey sanadihii 1999, 2005, 2011, 2016 iyo 2021.

Inkasta oo xadka muddada xilka laga qaaday dastuurka Jabuuti sannadkii 2010, haddana sharcigu wuxuu mamnuucayaa musharax ka weyn 75 sano inuu u tartamo xilka. Geelle hadda waa 77 sano jir, taasoo micnaheedu yahay inuu u baahan doono beddel dastuur ama fasax gaar ah si uu u galo doorashada 2026.

Mar ay qaar kamid ah warfidiyeenka caalamku waydiiyeen suurtagalnimada musharaxnimadiisa, ayuu sheegay inuusan weli go’aan gaarin haseyeeshee uusan albaabada xiran,”Ma diidayo, mana xaqiijinayo, Weli albaabka ma xirin”.

Jawaab celinta madaxweynaha ayaa lagu macneeyey mid si cad u muujinaya xiisaha uu u qabo kursiga markii lixaad, inkasta oo uu horey u sheegay inuusan “rabin in dalka uu ku rido khatar siyaasadeed.”

Xisbiyada mucaaradka ee gudaha iyo kuwa dibadda ku sugan ayaa durba cambaareeyay suurtogalnimada tartanka Geelle, iyagoo sheegay in “Jabuuti u baahan tahay hogaamiye cusub iyo is-beddel dastuuri ah oo furan.”

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments