Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu daahfurayay dardargelinta Mashruuca Jowhar Off-stream Storage Programme (JOSP) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Mashruucan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid qaran oo muhiim u ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029, gaar ahaan dhinacyada maaraynta biyaha iyo horumarinta beeraha, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo isku filnaansho dhaqaale.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in barnaamijkan uu yahay udub-dhexaadka qorshaha horumarinta dalka, maadaama uu kor u qaadayo awoodda Soomaaliya ee la tacaalidda abaaraha iyo fatahaadaha.
Mashruuca JOSP ayaa la filayaa inuu saameyn togan ku yeesho in ka badan 300,000 oo muwaadiniin Soomaaliyeed, isaga oo gacan ka geysan doona in dalka uu si buuxda uga faa’iideysto kheyraadkiisa dabiiciga ah, islamarkaana uu yareeyo baahida kaalmo shisheeye.
Barnaamijkan ayaa diiradda saaraya dhismaha biyo xireenno waaweyn oo lagu kaydinayo biyaha roobka iyo kuwa webiga Shabeelle, si looga hortago dhibaatooyinka soo noqnoqda ee fatahaadaha iyo abaaraha ka dhaca gobolka Shabeellaha Dhexe.


