Friday, June 19, 2026
Google search engine
HomeUncategorizedRW Xamze oo amar dul-dhigay madaxda hay’ada NIRA

RW Xamze oo amar dul-dhigay madaxda hay’ada NIRA

Ra’iisul Wasaaraha  Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Kormeer degdeg ah ku tagay  mid ka mid ah Xarumaha laga bixiyo Kaarka aqoonsiga Qaranka {NIRA} oo ku taala degmada Hodan ee gobolka Banaadir, isagoo faray madaxda hay’adda in dadka loo fududeeyo bixinta adeegga.

“ Muuqaalka aan ka aragnay baraha bulshada ma ahan wax la aqbali karo, gabdhaha yaan lagu qasbin in habeenkii ay yimaadaan ama seexdaan banaanka, amnigooda ayay qatar ku tahay mana qurxoona, jadwalada shaqada badiya si culeysku u yaraado, in adeeegga loo fududeeyo bulshada ayaa muhiim ah”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray maamulka hay’adda in si loo fududeeyo adeegga la kala leexiyo kaar doonashada iyo qaadashada, oo qofka kaarka qaadanaya uusan u galin saf la mid ah midka marka uu doonanayo ee uu is diiwaan galinayo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments