Friday, June 12, 2026
Google search engine
HomeUncategorizedAqalka Sare oo ansixiyay guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Aqalka Sare oo ansixiyay guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, kadib cod loo qaaday kulankii ay yeesheen mudanayaasha Aqalka Sare.

Waxaa xubnaha guddiga oggolaaday 28 Senator, halka hal Senator uu ka aamusay, mana jirin cid diiday. Ansixinta kadib, isla goobta ayaa xubnaha cusub lagu dhaariyay, si ay si rasmi ah ugu bilaabaan waajibaadkooda.

Guddigan waxaa horay u soo ansixiyay Golaha Wasiirrada iyo Golaha Shacabka, waxaana la filayaa in dhowaan ay doortaan guddoomiyahooda rasmiga ah, si ay u bilaabaan shaqooyinka muhiimka ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments